Hal QudhaHeesta Hal Qudha waa mid ka mid heesaha qaraamiga heerka dhexe ee suugaanta Soomaaliyeed midaasi oo si talan-taali ah u wada qaadaan fanaaniinta kala ah Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) iyo C.Qadir Macalin Jubba. Heestu waxay soo baxdey sanadkii 1987. Tixda HeestaEreyada heesta waxay u qoran yihiin sidan: Jubba: Waa Sheeko Hodan ah ee Aan ka jaro hingaadee Hallow Hallow Hibo: Nafbaa ku heeybineeysoo Kuu Hamuun qabtee Hallow Hallow Jubba: Sida heego Rooboo Hilimadeeda haliimiyo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyo Mudo badan ku hooray 2x Dhirtuu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Oo loo wada han weeyn yahay 2x Markaan helo warkaageey Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x Hood iyo aayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x Hibo: Raggu kala haboonee Halyeeyada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu ku hiiraneeysoow 2x Sida hanad aan dhalay baan Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x Oo aan hurgumadiyo Aaan halista kaaga dhoowraa 2x Markaan hello warkaagay Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambeelyaa 2x Halqudheynu nahayoo Kaama hadhi karaayee Hood iyo ayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x
FaaloHeesta Halqudha oo cod dhagaysi ah waxaad ka heli kartaa Halkan Qoraalo Kale |