Cumar Ugaas![]() Cumar Ugaas waxa uu ahaa ugaas si weyn looga yaqaan taariikhda beesha Ogaden, loona tixgeliyo inuu ahaa ugaaskii ugu awoodda badnaa ee soo mara beesha Ogaden, ahaana Ugaaskii u talin jiray Saldanadii Maalinguur la magac baxday taaso ay hoos imaan jireen qabiilo somaliyeed oo aad u Tiro badan. Taariikhda Cumar Ugaas waxaa lagu diiwaangeliyey Buugaag badan oo caan ah oo ka hadla taariikhda Geeska Afrika iyo Soomaalida. Sida buugaagta *The Unknown Horn of Africa*
the Unknown Horn of Africa uu qoray Nin la odhan jiray James F.L 1851- 1890[1] „…. Markii aan sii dhax socday Trieste, mudane Richard Burton wuxuu isiiyay Buug yar oo markaas uun Algiers lagu daah furay, kaasoo uu ka qoray Nin Faransiis Ah oo lagu magacaabo Gabriel Ferrand somalida, Asagoo dhahay: Ogadenku 12 reer ayuu u kala baxaa, reer kastaana wuxu doortaa ugaas ama madax u gaar ah, labo iyo tobankaa ugaasna waxay sii doortaan Ugaaska oogu awooda badan, Ninkaas maanta Ogaden xukumaa waa Cumar ugaas oo kasoo jeeda beesha Malinguur.“ Sidoo kale, qoraaga caanka ah ee Faransiiska, Arthur Rimbaud, oo caan ku ahaa safarradiisii iyo qoraalladiisii taariikhiga ahaa, ayaa Cumar Ugaas ka faalooday . Arthur Rimbaud Report on the Ogaden 1884 ….Ogaadeenku raasas ahaan bay u kala baxaan, dhowr Ugaas bayna leeyihiin. Ugaaska Maalinguur, Cumar Xuseen, ayaa ah Ugaaska ugu awoodda badan Ogaadeen. Waxay u muuqataa inuu u taliyo qabiilada u dhaxeeya Habar Garxajis ilaa iyo Webiga. Aabbihii ayaa mar Herer yimid, xilligii Maxamed Aamiin Ra'uuf Baashe uu u joogay DawladdiiCismaaniyada.Ugaas Xuseen [Cumar aabbihii] waxaa la siiyay hub iyo hadyado kala duwan. Laakiin Cumar Xuseen ma,aha nin ka socdaalay gabilkiisa oo dhulmar ah. Halkiisaas isagoo jooga ayaa geesnimadiisa iyo magaciisuba gaadhsiisan yahay oo laga xurmeeyaa meelo fog iyo ilaa Dawladda Masar. Bollettino della Società africana d'Italia 1891 …. Maalinguur waa isbahaysi ay ku midaysan yihiin qabiilo somaliyeed oo aad u tiro badan, oo haysta dhul aad u ballaadhan, oo ay ugu horreyso jihada uu maro webiga Sulul, ee ah N. E. ilaa S. 0. Qabiilada Maalingour oo dhan hoos yimaada waxaa madax u ah Ugaas, kaas oo weli ah Ugaas Cumar kaasi oo ay arkeen dhul mareenadii Sacconi iyo Sotiros. Cumar Ugaas waxa uu dhaxal uga tagay sumcad iyo sharaf la xusuusto, isagoo ahaa hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa ee abid soo mara beesha Ogaden. Dhaxalkiisa iyo kartidiisa hogaamineed ayaa weli ka dhex muuqda taariikhda beesha iyo guud ahaan bulshada Soomaalida.
|