Cumar Dhuule
Cumar Dhuule (Af Carabi : لاسعانود; Af Ingiriis : Omar Dhule) wuxuu ahaa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxuu horaantii 1941dii ku dhashay duleedka magaalada Burco gobolka Togdheer ee maanta ka tirsan dowlad-goboleedka Somaliland. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaaliyeed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Qaaciga Fanka Soomaaliyeed.[1] Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga ah, garaacida kabanka (gaar ahaan nooca loo yaqaano "cuudka"), saaridda laxanka, abuurista halabuur, samaynta sheekooyinka iyo majaajilada, habaynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb-qaashada Fanka Soomaalida.[2] Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalkii sokeeye. Waxa uu na waqti joogay waddanka Suuriya kadibna waxaa uu usoo gudbay waddanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa oo uu waqti ku noolaa. Heesaha FanaankaFanka Soomaalida
![]() Fanka Soomaalida waa nidaamka, abuurida, qurxinta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga. Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix. Fanaaniinta SoomaaliyeedHeesta Heyga goosan caawaad iga gacan sareysaa waxaa la qaadda Aamina Feer Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Xigasho
|